Casharada Bacriminta Beeraha
Nafaqooyinka yar yar (Micronutrients) waa macdano uu geedku u baahan yahay qiyaas aad u yar (Gram-yo), laakiin haddii la waayo, geedku wuu dhimanayaa ama ma dhalayo. Waa "Fitamiinada" Geedka.
Marka laga reebo Boron (oo aan soo marnay), kuwan ayaa ugu muhiimsan.
Shaqada: Waa kaaliyaha sameynta Cagaarka (Chlorophyll). La'aanteed geedku cunto ma samaysan karo.
Yaraanta: Caleemaha cusub waxay noqdaan Huruud/Caddaan, laakiin xididdada caleentu way cagaarnaadaan.
Shaqada: Waxay kordhisaa hormoonka korriinka (Auxin). Waxay kala bixisaa jirridda iyo caleenta.
Yaraanta: Caleemaha cusub way yaraadaan (Little leaf), geedkuna wuu gaabtaa (Rosetting).
Shaqada: Waxay la shaqeysaa Iron-ka iyo Nitrogen-ka.
Yaraanta: Baro-baro huruud ah oo caleenta dhexdeeda ah. Aad bey ugu egtahay Iron-ka.
Shaqada: Waxay xoojisaa dhadhanka iyo midabka.
Yaraanta: Caleemaha cusub way duubmaan (Twisting) ama caarada ayey ka dhintaan (Dieback).
Nafaqooyinka yar yar badanaa waxay ka muuqdaan qeybaha cusub (Geedka dushiisa).
Fiiri sawirka sare: Caleentu waa huruud, laakiin xadhkaha (veins) dhex mara waa cagaar. Tani waa calaamada ugu weyn ee Birta (Iron).
Sidee loo siiyaa geedka?
| Magaca | Tilmaanta | Qaabka Isticmaalka |
|---|---|---|
| Chelated Mix (Combi) | Waa budo isku jir ah (Iron, Zinc, Mn, Cu, B, Mo). | Waa tan ugu fiican. Waxaa lagu buufiyaa caleenta (Foliar). |
| Zinc Sulphate | Waa budo cad. | Galleyda ayaa dhulka loogu daraa. |
| Iron Chelate (EDDHA) | Budo guduud madow ah. | Waxaa loogu talagalay dhulka pH-ka sare leh (Alkaline). Drip-ka ayaa lagu daraa. |
| Digada Xoolaha | Dabiici. | Waxay leedahay dhammaan nafaqooyinkan, laakiin qiyaas yar. |
Dhulka Soomaaliya waa pH Sare (Alkaline) > 7.5. Dhulka noocan ah, geedku kama qaadan karo ciidda nafaqooyinka Iron, Zinc, iyo Copper xitaa haddii ay ciidda ku jiraan. Way xiran yihiin.
Xalka: Waa in caleenta laga buufiyo (Foliar Spray) si looga maarmo ciidda.
Habka ugu fiican ee nafaqo-yareyaasha waa buufinta caleenta.
Wax-soo-saar dhameystiran!
www.elmi24.com