HAGAHA
PHOSPHORUS-KA

(Furaha Xididka & Tamarta)

Casharada Bacriminta Beeraha

⚡ Hordhac:

Phosphorus (P) waa nafaqada labaad ee ugu muhiimsan. Waxaa lagu tilmaamaa "Maskaxda Geedka" ama "Keydka Tamarta". La'aanteed, geedku ma samaysan karo xididdo xooggan, mana dhalin karo miro.

1. Maxay Qabataa Phosphorus?

Halka Nitrogen ay caleenta dhisto, Phosphorus waxay ka Xoojisaa Xidida iyo tamarta Geedka.

🥕 Samaynta Xididka

Waa shaqada ugu weyn ee Phosphorus. Waxay dhiirigelisaa in geedku yeesho xididdo dhaadheer oo fidsan. Xidid wanaagsan = Geed wanaagsan.

🔋 Tamarta Adenosine Triphosphate(ATP)

Phosphorus waa bateriga geedka. Waxay qorraxda u beddeshaa tamar (ATP) uu geedku u isticmaalo koritaanka iyo wax-soo-saarka.

🌻 Ubaxa & Miraha

Waxay geedka siisaa calaamadda ah "Waa waqtigii taran-ka". Waxay dadajisaa bislaanshaha miraha.

💪 Adkaysiga

Xididka xooggan wuxuu geedka ka caawiyaa inuu u adkaysto abaarta iyo cudurada carrada ka dhasha.

2. Calaamadaha Yaraanta

Phosphorus-tu way adag tahay in la garto marka loo eego N iyo K, laakiin calaamadan ayaa u gaar ah:

🍆 Midabka Guduudan (Purple)

  • Calaamada Koowaad: Caleemaha gaboobay (hoose) ayaa yeesha midab guduud madow xigeen ah (Violate/Purple), gaar ahaan hareeraha iyo xididdada caleenta.
  • Tani waxay badanaa dhacdaa marka hawadu qabowdahay.

📏 Gaabni (Stunted Growth)

  • Geedka wuxuu u muuqdaa mid caafimaad qaba (midabkiisu waa cagaar madow), laakiin ma dheeraado.
  • Xididka hoose aad buu u liitaa haddii la rujiyo.
  • Bislaanshaha miruhu way daahaan.
💡 Fiiro Gaar ah: Galleyda ayaa ah dalagga ugu dhaqsaha badan ee lagu arko calaamada guduudka ah (Purple) marka Phosphorus ay ka maqan tahay.

3. Ilaha Phosphorus-ka

Bacriminta Phosphorus-ka badankeedu waxay ka timaadaan dhagaxaan la shiiday.

Magaca Astaamaha (P %) Tilmaanta
DAP (Diammonium Phosphate) 46% P / 18% N Waa bacriminta ugu caansan Soomaaliya. Waa madow/cawl. Waxay leedahay Nitrogen iyo Phosphorus badan. Waa heer sare bilowga beeridda.
TSP (Triple Super Phosphate) 46% P Phosphorus kaliya ayey leedahay (Nitrogen kuma jirto). Way fiican tahay haddii aadan rabin inaad geedka aad u cagaariso.
MAP (Monoammonium Phosphate) 52% P / 11% N Waa tan ugu Phosphorus badan, dhulkana ma dhanaaniso.
Lafaha (Bone Meal) 15% - 20% Waa il dabiici ah (Organic). Lafaha xoolaha oo la gubay loona shiiday sidii bur ahaan.

🪨 Rock Phosphate

Waa dhagax dabiici ah. Aad buu u raqiisan yahay laakiin dhulalka Soomaaliya (oo ah Alkaline/pH sare) kuma milmo. Waxa uu kaliya ku milmaa dhulka dhanaanka ah (Acidic soil).

4. Habka Isticmaalka (Application)

Tani waa qaybta ugu muhiimsan. Phosphorus ma dhaqaaqdo (Immobile in soil).

❌ Ha ku daadin dusha (Top Dressing)

Haddii aad DAP ku daadiso ciidda dusheeda kadib markuu geedku soo baxo, waxba ma tarayso. Phosphorus-tu ma awoodo inay hoos u degto si ay xididka u gaarto. Dushaas ayey ku engegaysaa.

✅ Habka Saxda ah (Banding)

Waa in lagu aasaa ciidda dhexdeeda xilliga beeridda.

  • Dhig abuurka agtiisa (qiyaastii 5cm fogaan ah iyo 5cm hoos ah).
  • Xididku waa inuu si toos ah u taabtaa bacriminta si uu u nuugo.
🔒 Dhibaatada pH-ka (Fixation): Haddii dhulkaagu yahay mid pH-kiisu sarreeyo (Sida dhulka Soomaaliya badankiis - Limestone), Phosphorus-tu way xirantaa (Locked). Isticmaal digada xoolaha si aad u furfurto.

5. Talooyinka Ugu Dambeeya

🥗 Yaa u baahan P?

  • Dalagyada Xididka: Karootada, Beetroot, Baradho.
  • Dalagyada Miraha: Galleyda, Masagada, Digirta.

Dhammaan dalagyadu way u baahan yihiin bilowga hore.

📊 Qiyaasta Guud

DHAMAAD

Xidid adag = Mustaqbal Fiican.

www.elmi24.com