Hagaha Casriga ah ee Beeraleyda Soomaaliyeed
Bartiikhu waa dalag aad muhiim u ah oo suuqa laga jecel yahay. Waa dalag u baahan daryeel gaar ah, gaar ahaan dhanka waraabka iyo ka hortagga cayayaanka. Buuggan wuxuu ku barayaa hababka ugu casrisan ee beerashada.
Soomaaliya waxaa ku baxa dhowr nooc, laakiin kuwa ugu caansan waa:
Waa kan ugu badan suuqa.
Noocan gudaha ayuu ka yahay oranji (Orange).
Waa bartiikh siman oo aan shabag lahayn.

Bartiikhu wuxuu jecel yahay cimilo kulul oo qallalan.
Xididka Bartiikhu waa jilicsan yahay.

Habka ugu fiican ee Bartiikha loo beero waa isticmaalka Bacda Madow (Mulch) iyo Drip.

Bartiikha F1 (Hybrid) aad buu qaali u yahay, sidaas darteed ku beer saxan (Tray).
Isticmaal Coco-peat nadiif ah. Abuurka ku rid saxanka (Seedling tray). Ha aasin wax badan.
Waraabi maalin kasta laakiin ha badin. Geedka yar haddii uu biyo badan helo wuxuu qaadaa "Damping off" (Qudhun).
Geedka waxaa la wareejiyaa 15-20 maalmood kadib (marka uu yeesho 2 caleemood oo dhab ah).

Bartiikhu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah si uu u macaanado.
| Marxaladda | Nooca Nafaqada | Sababta |
|---|---|---|
| Beeridda | DAP (50g halkii mitir) | Xoojinta xididka (Phosphorus). |
| Koriinka (Vegetative) | CAN ama NPK (Yar) | Korriinka caleenta (Nitrogen). Ha badin Nitrogen xilliga dambe. |
| Ubaxa & Miraha | Potassium Nitrate (KNO3) | Tani waa sirta macaanka iyo tayada miraha. |
| Joogto | Calcium & Boron | Si miruhu aysan u dillaacin (Cracking). |
Haddii aad badiso Urea xilliga miraha, Bartiikhu wuxuu noqonayaa mid dhadhan lahayn (Watery) oo dillaaca.

Biyuhu waa nolosha Bartiikha, laakiin waqtiga ayaa muhiim ah.
Waraabi si joogto ah (maalin kasta ama maalin dhaaf) si geedku u koro.
Marka miruhu soo baxaan, biyaha waa in la kordhiyaa si miruhu u weynaadaan.

Waa cadowga lambar koowaad. Waxay ukun ku dhex dhashaa miraha yaryar.
Xal: Isticmaal dabinka Pheromone Traps iyo sunta Alpha-cypermethrin.
Waxay gudbisaa cudurada Virus-ka. Caleemaha ayey cuntaa.
Xal: Acetamiprid ama Imidacloprid.
Waxay dhuuqaan dheecaanka, caleentuna way duubmataa.
Xal: Lambda-cyhalothrin.
Caaro cas oo caleenta hoosteeda gasha. Caleentu way qallashaa.
Xal: Abamectin.

Bartiikhu wuxuu aad ugu nugul yahay fangaska qoyaanka jecel.
Calaamadaha: Boor cad oo fuula caleenta dushiisa.
Xal: Isticmaal daawooyinka Sulphur ama Difenoconazole.
Calaamadaha: Baro huruud ah oo caleenta dushiisa ah, iyo caaryo cawlan oo hoosta ah.
Xal: Mancozeb ama Ridomil Gold.
Calaamadaha: Geedka oo dhan ayaa mar qura duma (Wilt) oo dhinta.
Xal: Malaha daawo rasmi ah. Isticmaal abuur adkaysi leh (F1) oo samee wareegga dalagga (Crop rotation).

Bartiikhu wuxuu ku bislaadaa 60-80 maalmood (ku xiran nooca).
Bartiikhu aad buu u jilicsan yahay. Si tartiib ah u gur.
Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!
Diyaariye: Elmi24acedamy