🌶️

BARASHADA
BISBAASKA

Hagaha Casriga ah ee Beerashada (Hot Pepper)

Ujeedada Buugga: In kor loo qaado tayada iyo wax-soo-saarka Bisbaaska Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah oo tijaabisan sida Drip Irrigation iyo Bacrimin dheelitiran.

1. Noocyada Bisbaaska

Soomaaliya waxaa si fiican uga baxa saddex nooc oo waaweyn. Doorashada nooca saxda ah waxay ku xirantahay suuqa aad beegsanayso.

🌶️

Hot Pepper (Bisbaas Kulul)

Waa nooca ugu caansan suuqa maxalliga ah. Waa dhuudhuuban yahay wuxuuna noqdaa cagaar ama guduud.

  • Suuqa: Aad buu u socdaa maalin walba.
  • Adkaysiga: U adkaysta kulaylka.
🫑

Sweet Pepper (Bisbaas Macaan)

Waxa loo yaqaan Capsicum ama Bell Pepper. Ma laha kuleyl.

  • Midabada: Cagaar, Jaalle, Guduud.
  • Suuqa: Hoteellada iyo makhaayadaha.

Cayenne / Paprika

Noocan waxaa loo isticmaalaa in la qallajiyo oo budo laga dhigo. Waa dheer yahay waana guduud marka uu bislaado.

Talo: Bisbaaska macaani wuxuu u baahan yahay xanaanayn ka badan midka kulul!

2. Cimilada & Deegaanka

Bisbaasku waa dalag jecel cimilada diirran, laakiin kulaylka xad-dhaafka ah wuxuu ridaa ubaxa.

☀️ Heerkulka

Heerkulka ugu fiican waa 20°C ilaa 30°C.

Haddii uu ka bato 35°C, ubaxu wuu daadanayaa (Flower abortion).

⛰️ Carrada (Soil)

Wuxuu u baahan yahay carro fudud oo biyaha celinaysa (Loam soil).

pH: 6.0 - 7.0 (Waxyar dhanaan ama dhex-dhexaad).

Diyaarinta Dhulka

  1. Falidda: Dhulka si fiican u fal (25-30cm) si xididku u neefsado.
  2. Burburinta: Burburi dhagaxaanta iyo dhadhaabta.
  3. Simidda: Dhulka sin si biyuhu u wada gaaraan haddii aanad isticmaalin Drip.
  4. Bacriminta Hore: Ku dar digada xoolaha oo qudhuntay (Well-decomposed manure) ka hor beerista (10 Tan halkii Hektar).

3. Dhigista Tubooyinka (Drip)

Naqshadda ugu fiican ee beerashada Bisbaaska waa in la sameeyo Caro-tuur (Raised Beds).

Jaantuska Bed-ka (Cross Section)
🌱
🌱
1 Mitir (Balac)
30cm

Cabirka Beerista

  • Fogaanta Khadadka (Row Spacing): 100 cm (1 mitir).
  • Fogaanta Geedaha (Plant Spacing): 40 cm ilaa 50 cm.

Faa'iidada Bed-ka:

1. Wuxuu ka hortagaa xanuunada xididka.
2. Biyaha ma fariistaan.
3. Xididku si fudud ayuu u socdaa.

Muhiim: Halkii Bed waxaa la saaraa 2 Layn oo Drip ah!

4. Maamulka Xanaanada

Bisbaaska toos looma beero. Waa in lasoo mariyaa xanaano (Nursery) muddo 4 ilaa 6 todobaad.

🌱

1. Abuurka

Isticmaal abuur tayo leh (Certified Seeds). Ku ruc 1cm qoto dheer.

☂️

2. Daboolida

Ku dabool caws khafiif ah ama shabag ilaa uu ka soo biqlo si qorraxdu u gubin.

💧

3. Adkaynta

Iska yaree waraabka 1 usbuuc ka hor wareejinta (Hardening off).

Kala Wareejinta (Transplanting)

Waxaa la wareejiyaa marka geedku yeesho 4 ilaa 6 caleemood oo dhab ah.

Do's (Samee) Don'ts (Ha Sameyn)
Wareeji galabkii qorraxda kadib. Ha wareejin duhurkii kuleylka.
Waraabi dhulka ka hor beerista. Ha dhaawicin xididada geedka yar.
Daawada fangaska geli xididka (Drenching). Ha aasin caleenta, kaliya xididka aas.

5. Waraabka & Nafaqaynta

Bisbaasku wuxuu u baahan yahay biyo joogto ah laakiin aan badnayn. Biyo fariisigu wuxuu keenaa cudurro.

Jadwalka Waraabka

Drip: Maalin kasta 30-45 daqiiqo (subaxdii).
Fatahaad: 3-4 maalmoodba mar (waxay ku xirantahay carada).

Jadwalka Nafaqaynta (Fertilizer Plan)

Marxaladda Nooca Nafaqada Sababta
Beerista DAP (Phosphorus) Si xididku u koro oo dhulka u qabsado.
Korriinka (Vegetative) CAN ama Urea (Nitrogen) Si caleemaha iyo laamuhu u bataan.
Ubaxa & Miraha NPK (High Potassium) Si miruhu u weynaadaan, midabkuna u soo baxo.
Joogto Calcium Nitrate Ka hortagga xanuunka dabada ka qudhma (Blossom End Rot).
Digniin: Nitrogen badan xilliga ubaxa waxay ridaa ubaxa!

6. Cayayaanka Khatarta ah

Bisbaasku waa dalag ay aad u jecel yihiin cayayaanku. Kormeer joogto ah waa muhiim.

1. Thrips (injir)

Waa cayayaan aad u yar oo caleenta iyo ubaxa dhuuqa.

  • Calaamad: Caleenta oo duubmata (kor u soo laabmata) iyo midab cad yeelata.
  • Xal: Imidacloprid ama Spinetoram.

2. Mites (Caaro)

Waxay ku dhuumataa caleenta hoosteeda.

  • Calaamad: Caleenta oo hoos u duubmata oo qallasha.
  • Xal: Abamectin (Daawooyinka caarada).

3. Aphids (malabayso))

Cayayaan cagaar ama madow ah oo koox u socda.

  • Calaamad: Caleenta oo dheecaanku ka dhamaado.
  • Xal: Acetamiprid.

4. Fruit Borer (Diirka Miraha)

Dirxi gala gudaha bisbaaska.

  • Calaamad: Dalool ku yaal miraha bisbaaska.
  • Xal: Coragen ama Emamectin Benzoate.

7. Cudurada Bisbaaska

Badanaa waxaa keena Fangas (Fungi) iyo Bakteeriya.

Powdery Mildew

Astaamaha: Boor cad oo fuula caleenta dushiisa ama hoostiisa. Caleentu way daadataa.

Daaweyn: Isticmaal daawooyinka Sulphur-ta leh ama Difenoconazole.

Anthracnose (Bar-bar madow)

Astaamaha: Dhibco madow oo qoyan ayaa kasoo baxa miraha bisbaaska marka ay guduud noqdaan.

Daaweyn: Mancozeb ama Azoxystrobin.

Blossom End Rot (Daba-qudhun)

Astaamaha: Qaybta hoose ee bisbaaska ayaa madow noqota oo qudhunta.

Sababta: Ma ahan cudur, waa Calcium yari iyo waraabka oo aan joogto ahayn.

Xal: Joogtee waraabka, kuna buufi Calcium Nitrate.

8. Maareynta Sumaha (Safety)

Isticmaalka sunta beeruhu waxay u baahantahay taxadar dheeri ah si aan loo waxyeelleyn caafimaadka dadka.

PHI (Pre-Harvest Interval)

Waa waqtiga u dhexeeya buufinta iyo goosashada. Waa qasab in la ilaaliyo.

  • Emamectin: 7 Maalmood
  • Lambda-cyhalothrin: 3-5 Maalmood
  • Mancozeb: 7-14 Maalmood

Ilaalinta Nafta

Marka aad buufinayso:

  • Xiro Mask (Af-xir).
  • Xiro Gacmo-gashi (Gloves).
  • Xiro Ookiyaale.
  • Ha buufin haddii dabayl jirto.
  • Ha buufin Qoraxda oo kulul.
SUNTU WAA DAWO HADDII SI SAX AH LOO ISTICMAALO, WAA SUN HADDII LA QALDO!

9. Goosashada & Suuq-geynta

Waa marxaladda ugu dambaysa ee mirahaagii aad guranayso.

✂️ Goorta la Goosanayo

Bisbaas Cagaar: Marka uu gaaro xajmiga saxda ah balse weli adag.

Bisbaas Guduud: Marka midabku si buuxda u beddelmo (100% Red).

📦 Qaabka Goynta

Ha ku goyn gacanta xoog (hataqanin). Isticmaal maqas ama faraha si tartiib ah u qabo laanta.

Aroortii hore gooso marka cimiladu qabowdahay.

Talooyinka Suuq-geynta

DHAMAAD

Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!