🥬

BARASHADA
KAABASHKA

Hagaha Casriga ah ee Beeraleyda

(Cabbage Farming Guide)

🌿 Dulmar:

Kaabashku waa mid kamid ah dalagyada ugu faa'iidada badan Soomaaliya haddii si casri ah loo maamulo. Buuggan wuxuu ku barayaa:

1. Noocyada Kaabashka

Doorashada nooca saxda ah waxay fure u tahay guusha. Cimilada kulul ee Soomaaliya waxaa ku habboon noocyada adkaysiga leh.

🥬 Gloria F1

Waa nooca ugu caansan Bariga Afrika.

  • Miisaanka: 3kg - 5kg.
  • Waqtiga: 90 maalmood.
  • Faa'iidada: Aad buu u adkaystaa kulaylka iyo cudurada "Black Rot".

🥬 Pruktor F1

Waa nooc cusub oo wax-soo-saar badan.

  • Miisaanka: 4kg - 6kg.
  • Adkaysiga: Wuxuu si fiican isaga celiya cayayaanka Thrips-ka.
💡 Talo: Iska ilaali abuurka furan (OPV) ee jaban, badanaa ma adkaystaan cudurada. Isticmaal Hybrid F1 markasta.

2. Cimilada & Dhulka

☀️ Cimilada (Climate)

Kaabashku wuxuu jecel yahay cimilo qabow, laakiin noocyada casriga ah waxay u adkaystaan kulaylka.

  • Heerkulka: 15°C - 25°C (ugu fiican).
  • Biyaha: Wuxuu u baahan yahay biyo joogto ah.

⛰️ Carrada (Soil)

Wuxuu u baahan yahay carro nafaqo leh oo biyaha celinaysa.

  • pH: 6.0 - 6.5.
  • Haddii carradu aad u dhanaantahay, ku dar Lime.

Diyaarinta Dhulka

  1. Dhulka si qoto dheer u fal (Ploughing).
  2. Burburi dhadhaabta (Harrowing).
  3. Samee Caro-tuur (Raised Beds). Tani waa muhiim si xididku hawo u helo biyuhuna aysan u fariisan.
  4. Ku qas Digada xoolaha oo qudhuntay (10 Tan halkii Hektar).

3. Dhigista Dhibic-dhibicda

Kaabashku waa dalag caleen ah oo biyo badan u baahan. Nidaamka Drip-ku wuxuu badbaadiyaa biyaha.

Naqshadda Bed-ka (Cross Section)
Balaca Bed-ka: 1 Mitir | 3 Saf oo Kaabash ah

📏 Cabirka Beerista

  • Geedaha dhexdooda: 45cm - 60cm.
  • Safafka dhexdooda: 45cm - 60cm.
  • Halkii Bed (1m balac ah) waxaa la saaraa 2 ama 3 layn oo Drip ah.

💧 Faa'iidada Drip-ka

Biyuhu ma gaarayaan caleenta, taasoo yaraynaysa cudurada fangaska iyo qudhunka (Rot).

4. Maamulka Xanaanada

Kaabashka toos looma beero. Waa in lasoo mariyaa xanaano (Nursery) muddo 4 todobaad ah.

🌱

1. Abuurka

Ku rid abuurka saxanka xanaanada (Seedling trays) oo isticmaalaya Coco-peat. Ama dhulka ku samee xarriiq.

⛱️

2. Daboolida

Ku dabool shabag ama caws si qorraxda looga celiyo. Waraabi subax iyo galab.

💪

3. Adkaynta

Iska yaree waraabka 1 usbuuc ka hor wareejinta (Hardening off) si geedku u adkaado.

⚠️ Taxadar: Xanaanada ka ilaali cayayaanka. Ku buufi Cayayaan dile si aad uga ilaaliso cayaayada (Aphids) iyo cad-caddaaga.

5. Jadwalka Nafaqaynta

Kaabashku waa "Heavy Feeder", wuxuu u baahanyahay nafaqo badan.

Waqtiga Nooca Bacriminta Qiyaasta & Sababta
Beeridda DAP + Digo Si xididku dhulka u qabsado (Phosphorus).
2 Todobaad kadib CAN ama Urea Si caleemuhu u bataan oo u cagaartaan (Nitrogen).
4 Todobaad kadib NPK (17:17:17) Si madaxa kaabashku u samaysmo oo u adkaado.
Madax-xirka Calcium Nitrate Si caleentu aysan u gubanin geesaha (Tip burn).
Waxaad kaloo isticmaali kartaa nafaqada caleenta (Foliar Fertilizer) sida EasyGro Vegetative usbuucii hal mar.

6. Jadwalka Waraabka

Kaabashku waa 90% biyo. Biyo la'aantu waxay keentaa madax yar iyo dhadhan qaraar.

💧 Marxaladda Hore

0 - 30 Maalmood

Waraabi maalin kasta subaxdii (30 daqiiqo Drip). Xididku weli ma foga.

💧 Marxaladda Dhexe

30 - 60 Maalmood

Waraabi maalin dhaaf (Every other day). Laakiin waqtiga badi (1 saac Drip).

🛑 Digniin: Marxaladda Goosashada

Marka kaabashku madaxa xiro ee uu soo dhawaado goosashada, iska yaree waraabka.

Sabab? Biyaha badan xilligan waxay keenaan in madaxa kaabashku dillaaco (Splitting/Cracking).

7. Cayayaanka Khatarta ah

Kaabashka waxaa ugu daran cayayaanka caleenta cuna.

🐛 Diamondback Moth (DBM)

Waa kan ugu halista badan (Qoor-gooye/Dirxi). Wuxuu cunaa caleenta dhexdeeda.

Sunta: Coragen, Escort, ama Match. Waa in la bed-bedelaa sunta si uusan u laqabsan.

🦟 Aphids (malabayso)

Waxay dhuuqaan dheecaanka caleenta, caleentu way duubmataa.

Sunta: Acetamiprid ama Imidacloprid.

🐛 Cutworms (Jirrid-jare)

Habeenkii ayuu jaraa geedka yar.

Xal: Ku shub sunta budada ah godka agtiisa.

8. Cudurada Kaabashka

⚠️ Black Rot

Waa cudurka ugu xun. Caleemaha ayaa yeelanaya qaab 'V' ah oo huruud ah geesaha. Jirridda gudaha ayaa madow noqota.

Daawo: Malaha daawo rasmi ah.

Soft Rot

Madaxa kaabashka ayaa biyo noqda oo uraya.

Sabab: Cayayaanka iyo dhaawaca jirka.

Xal: Iska ilaali dhaawaca marka aad qadaysid.

Damping Off

Geedka yar oo inta uusan bixin dhinta (Xanaanada).

Xal: Isticmaal abuur daaweysan iyo ciid nadiif ah.

9. Goosashada & Badbaadada

🔪 Goorma la goostaa?

Marka madaxa kaabashku uu noqdo mid adag (Firm) oo cufan.

Haddii aad tuujiso waa inuusan jilicsanaan. Miisaankiisu waa inuu culus yahay.

📦 Habka Kaydinta

Kaabashku wuxuu jecelyahay qabow. Ku keydi meel hawo leh.

Iska jar caleemaha banaanka ee duugoobay ka hor inta aadan suuqa geyn.

⚠️ PHI (Pre-Harvest Interval)

Waa waqtiga u dhexeeya buufinta sunta iyo goosashada. Waa muhiim in la ilaaliyo caafimaadka dadka.

DHAMAAD

Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!

Diyaariye: www.elmi24.com