Karootadu waa dalag xidid ah (Root crop) oo aad muhiim u ah. Si aad u hesho karooto toosan, siman, oo macaan, waxaad u baahan tahay inaad fahamto diyaarinta dhulka iyo waraabka saxda ah.
Doorashada nooca saxda ah waxay ku xirantahay ciiddaada iyo cimilada.
Waa nooca ugu caansan Soomaaliya. Waa toosan tahay, dhex-dhexaad, dhadhankeeduna waa macaan. Guduudkeedu waa xooggan yahay.
Waa nooc gaaban oo buuran. Waxay u adkaysataa carrada adag iyo cimilada kulul.
Waa nooc aad u dhuuban oo dheer. Waxay u baahan tahay ciid aad u jilicsan (Sandy soil) si ay u dheeraato.

Karootadu waxay jeceshahay hawo qabow yar, laakiin way ka bixi kartaa meelaha kulul haddii biyo ku filan la helo.
Tani waa sirta guusha Karootada.
Haddii carradu tahay Dhoobo culus ama ay dhagax leedahay, karootadu ma noqonayso mid toosan. Waxay yeelanaysaa laba lugood (Forking) ama way qaloocanaysaa.

Karootadu waa dalag xidid ah, haddii dhulku adag yahay hoos uma degi karto.

Habka Drip Irrigation-ka waa kan ugu habboon si biyaha loo maareeyo.
Karootada abuurkeeda lama xanaaneeyo, toos ayaa dhulka loogu beeraa.
Marka geedku soo baxo (3 usbuuc kadib), waa in la kala yareeyaa si ay isugu cjiriirin. Isu jirka geeduhu ha ahaado 5cm - 8cm.

Karootadu waxay u baahan tahay Potassium iyo Phosphorus si xididku u weynaado.
| Waqtiga | Nooca Nafaqada | Sababta |
|---|---|---|
| Beeridda | DAP (50kg/Ha) | Si xididku dhulka u qabsado. |
| 3 Usbuuc kadib | CAN (Yar) | Korriinka caleenta (Caleen badan uma baahna). |
| 6 Usbuuc kadib | NPK (High Potassium) | Si karootadu u buuratao una macaanaato. |
| Joogto | Boron & Zinc | Si karootadu aysan u dillaacin (Cracking). |
Haddii aad badiso Nitrogen (Urea), karootadu waxay yeelanaysaa caleen aad u badan (Bushy top), laakiin xididka hoose wuu yaraanayaa ama wuxuu noqonayaa mid dhuuban.

Biyuhu waa inay qoyaan xididka ilaa hoos. Waraab aan joogto ahayn wuxuu keenaa dillaac.
Abuurka karootadu wuu daahaa (7-14 maalmood). Waqtigan ciidda waa inaan la qalajin. Waraabi maalin kasta biyo yar.
Marka geedku weynaado, waraabi 2-3 maalmoodba mar, laakiin waraabi waqti dheer (Drip 1-2 saac) si biyuhu u gaaraan 30cm hoos.

Waa cadowga koowaad. Waa gooryaan aad u yar oo xididka gala. Karootadu waxay yeelanaysaa burooyin (Galls) waana qaloocanaysaa.
Xal: Wareegga dalagga, Isticmaal daawada Velum ama Nemacur.
Duqsi ukun dhigaya ciidda, kadibna dirxiga ayaa xididka cuna oo ka dhiga mid madow oo qudhun leh.
Xal: Wareegga dalagga, isticmaal Imidacloprid.
Waxay dhuuqaan dheecaanka caleenta.
Xal: Acetamiprid.

Calaamadaha: Boor cad oo fuula caleemaha. Caleentu way qallalaysaa.
Xal: Isticmaal Sulphur ama Ortiva.
Calaamadaha: Dhibco madow/buni ah oo caleenta soo gala, caleentuna way gubataa.
Xal: Mancozeb ama Difenoconazole.
Calaamadaha: Karootada oo noqota biyo uraya.
Sabab: Biyo fariisi (Waterlogging).
Xal: Hagaaji waraabka, samee caro-tuur (Raised beds).

Badanaa 3 ilaa 4 bilood gudahood (90-110 maalmood).
Qod hal xabbo si aad u hubiso in madaxa sare uu buuxo (Shoulder size). Ha sugin inuu aad u weynaado si uusan u qoryoobin.
Iska jar caleemaha cagaaran (Topping) ka hor kaydinta, sababtoo ah caleentu waxay biyo ka dhuuqdaa xididka.
Ku dhaq biyo nadiif ah, kuna kaydi meel qabow.
Si aad suuq fiican u hesho:
Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!
Diyaariye: Elmi24acedamy