Hagaha Casriga ah ee Beeraleyda
Koostadu (oo loo yaqaan Spinach ama Swiss Chard) waa dalag caleen ah oo si deg-deg ah u baxa, nafaqo badan leh, Soomaaliya aad ayaa looga cuno. Buuggan wuxuu ku barayaa habka ugu fiican ee loo beero, loo waraabiyo, loogana hortago cudurada.
Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa laba nooc oo waaweyn, inkastoo magaca "Koosto" la wada dhaho.
Waa nooca ugu caansan Soomaaliya (Swiss Chard).
Koostada rasmiga ah (True Spinach).

Koostadu way adkaysi badan tahay.
Koostadu waxay u baahan tahay carro nafaqo leh.

Habka ugu habboon ee Koostada loo waraabiyo waa Drip Irrigation si caleentu aysan u qoyanin (Ka hortagga cudurada).
Haddii aad isticmaasho Fatahaad (Farrow irrigation) ama Rusheyn (Sprinkler), caleenta ayey dhoobo ku dhegaysaa, cudurkana wuu ku badanayaa. Drip-ku waa nadiif.

Koostada (Fordhook Giant) si toos ah ayaa loo beeri karaa.
Waad ku soo beeri kartaa xanaano (Tray) muddo 3 todobaad ah.

Koostadu waa dalag caleen ah, waxay u baahan tahay Nitrogen si ay u cagaarato una weynaato.
| Marxaladda | Nooca Nafaqada | Sababta |
|---|---|---|
| Beeridda | DAP + Digo | Xoojinta xididka (Phosphorus). |
| 2 Usbuuc kadib | CAN ama Urea | Korriinka caleenta (Nitrogen). Caleenta ayey ka dhigtaa mid weyn oo cagaar ah. |
| Goynta Kadib | CAN (Top Dressing) | Mar kasta oo aad goosato caleenta, ku dar bacrimin yar si ay usoo bixiso caleemo cusub. |
| Joogto | Nafaqee Caeenta(Foliar) | Ku buufi nafaqada caleenta 2-dii usbuucba mar. |
Ha isticmaalin bacrimin marka dhulku qalalan yahay. Waraabi marka hore, kadibna bacriminta dhig, kadibna mar kale waraabi.

Caleenta Koostadu waa 90% biyo. Biyo yari waxay keentaa in caleentu qaraaraato oo adkaato.
Waraabi maalin kasta ama maalin dhaaf, iyadoo ku xiran cimilada.
Dhulku waa inuu qoyaan yeesho mar walba (Moist but not soggy).
Subaxdii hore ayaa ugu fiican.
Iska ilaali inaad waraabiso gelinka dambe, si caleentu aysan habeenkii u qoyanin (Fungus).

Waa cadowga koowaad. Waxay dhuuqaan dheecaanka caleenta, wayna duubmataa.
Xal: Acetamiprid ama saabuunta beeraha.
Waxay jartaa geedka yar habeenkii.
Xal: Ku shub sunta budada ah godka agtiisa.
Dirxi caleenta dhex mara oo sameeya khadad cad-cad.
Xal: Abamectin ama Thiocyclam.
Waxay cunaan caleenta habeenkii.
Xal: Nadiifi beerta, ha u ogolaan caws badan.

Calaamadaha: Baro yaryar oo bunni ah oo leh xuduud guduudan oo caleenta kasoo baxa.
Xal: Isticmaal Mancozeb ama Copper Oxychloride. Iska ilaali waraabka caleenta (Overhead irrigation).
Calaamadaha: Geedka yar oo inta uusan bixin dhinta ama jirridda ka qudhma.
Xal: Isticmaal abuur nadiif ah, ha badin biyaha xanaanada.
Calaamadaha: Caleenta hoosteeda oo yeelata caaryo cawlan.
Xal: Metalaxyl ama Ridomil Gold.

Koostada (Swiss Chard) waxaa la goosan karaa marka ay gaarto 45-60 maalmood.
Koostada ceyriin baa lagu cunaa mararka qaar, ama waa la kariyaa.

Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!
Diyaariye: Elmi24 acedamy