(Papaya Cultivation Guide)
Dulmar: Buuggan waxaad ku baran doontaa hababka casriga ah ee loo beero Babaayga, laga bilaabo diyaarinta dhulka, xulashada abuurka, dhibic-dhibicda (Drip), ka hortagga cudurada iyo suuq-geynta.
Babaaygu wuxuu leeyahay saddex jinsi (Sex types). Beeraleydu waa inay fahmaan faraqa u dhexeeya si ay u helaan miro tayo leh.
Kaliya ubax ayuu bixiyaa, miro ma dhalo. Beertaada 10% uun baa loo baahan yahay si ay u bacrimiyaan kuwa dhedigga ah.
Waxay dhashaa miro wareegsan (Round shape). Waxay u baahan tahay geed Lab ah si uu u bacrimiyo.
Waa kan ganacsiga ugu fiican. Isagaa is bacrimiya. Mirahiisu waa dhaadheer (Pear shape).

Babaaygu waa geed aad u jilicsan oo u baahan xaalado gaar ah.

Nidaamka Drip Irrigation-ka waa kan ugu habboon Babaayga.
Halkii saf waxaa la dhigaa Laba Tubo (Double Line). Tani waxay xaqiijinaysaa in xididada labada dhinac ay biyo helaan, geedkuna uusan dhinac u dhicin.

Guusha Babaaygu waxay ka bilaabataa abuur caafimaad qaba.
Geedka waxaa la wareejiyaa marka uu jiro 6 ilaa 8 todobaad, ama uu yeesho dherer ah 15-20cm.
| Fiiro Gaar ah: | Markaad beerayso, kaliya ku rid hal geed halkii god haddii aad hubto jinsigiisa. Haddii kale, ku rid 2-3 geed, kadibna marka ay ubaxaan kala saar (Thinning) adigoo reebaya Khunsada (Hermaphrodite). |

Babaaygu waa geed cunto badan (Heavy feeder). Wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah.
| Waqtiga | Nooca Nafaqada | Sababta |
|---|---|---|
| Beeridda | DAP (50g) + Digo (5kg) | Xoojinta xididada (Phosphorus). |
| Bisha 1aad - 3aad | CAN ama Urea (Nitrogen) | Korriinka Jirridda iyo Caleenta (Vegetative Growth). |
| Bisha 4aad (Ubaxa) | NPK (17:17:17) | Isku dheelitirnaan. |
| Miro-dhalinta | Murate of Potash / Multi-K | Macaanka miraha iyo miisaanka. |
| Joogto | Boron + Zinc (Foliar) | Si miruhu aysan u noqon qalooc (Deformed fruits). |

Babaaygu biyo badan ayuu u baahan yahay laakiin ma jacla biyo fadhiisiga.
Xididadiisu weli ma foga. Waraabi maalin walba laakiin biyo yar (Light irrigation).
Qiyaasta: 5-10 Liitar maalintii.
Wuxuu u baahan yahay biyo badan si uu miraha u koro.
Qiyaasta: 15-20 Liitar maalintii (iyadoo ku xiran cimilada).

Kuwaani waa cadowga koowaad ee Babaayga.
Waxay ku dhuumataa caleenta hoosteeda. Caleentu waxay noqotaa huruud qallalan.
Xal: Abamectin ama Sulphur.
Waxay ukun ku dhex dhashaa miraha bislaaday, kadibna dirxi ayaa gala.
Xal: Isticmaal dabinka pheromone traps. Ha isticmaalin sun badan xilliga goosashada.
Waa cayayaan cudbi cad u eg. Waxay dhuuqaan dheecaanka.
Xal: Imidacloprid ama saliidda neem-ka (Neem Oil).
Waxay dhaawacaan ubaxa iyo miraha yaryar.
Xal: Spinetoram.

Cudurada fayraska iyo fangasku waa halis.
Kani waa cudurka ugu halista badan. Caleemaha ayaa yeesha baro huruud ah, mirahana waxaa kasoo baxa goobo (Ring spots).
Daawo: Malaha Daawo. Waa inaad geedka rujisaa oo gubtaa. Waxaa lagu xakameeyaa in la dilo Aphids (Xayaayada) oo cudurka gudbisa.
Waxaa keena biyo fariisiga (Phytophthora).
Xal: Samee caro-tuur (Raised beds). Isticmaal Ridomil Gold.
Boor cad oo fuula caleenta.
Xal: Sulphur ama Ortiva.

Marka midabka qolofta uu noqdo 25% Huruud (Yellow). Ha sugin inta uu wada bislaanayo geedka dushiisa haddii suuqu fog yahay.
Ku goo mindi nadiif ah. Weligaa ha tuurin miraha. Si tartiib ah u dhig sanduuqa (Crate).

Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!
Prepared by: Elmi24acedamy