Qaraha waa dalag faa'iido badan leh oo u baahan qorrax iyo daryeel gaar ah. Buuggan wuxuu ku barayaa hababka casriga ah sida Drip Irrigation, isticmaalka bacda madow (Mulching), iyo ka hortagga cudurada si aad u hesho miro tayo sare leh.
Doorashada abuurka saxda ah waa furaha guusha. Soomaaliya waxaa ku habboon noocyada adkaysiga leh.
Waa nooca ugu caansan.
Qaro madow oo wareegsan.
Waa qaro dheer oo cagaar furan ah.
Noocyada la bacrimiyey (Sida Sukari F1).

Qarahu waa dalag jecel kulaylka (Warm season crop).
Wuxuu jecel yahay ciid fudud.

Habka ugu casrisan ee Qaraha loo beero waa isticmaalka Bacda Madow (Plastic Mulch).

Qaraha badanaa toos ayaa loo beeraa (Direct Seeding).
Haddii abuurku qaali yahay (F1 Hybrid), isticmaal Trays.

Qarahu wuxuu u baahan yahay nafaqo dheelitiran. Potassium ayaa ugu muhiimsan tayada miraha.
| Marxaladda | Nooca Nafaqada | Sababta |
|---|---|---|
| Diyaarinta | DAP + Digo | Xoojinta xididka (Phosphorus). |
| 3 Usbuuc kadib | CAN / Urea | Korriinka caleenta iyo laamaha (Nitrogen). Ha badin! |
| Ubaxa & Miraha | NPK (High Potassium) | Si miruhu u weynaadaan una macaanaadaan. |
| Joogto | Calcium & Boron | Ka hortagga dillaaca iyo Daba-qudhunka (Blossom End Rot). |

Qarahu waa 92% biyo. Maareynta biyaha ayaa go'aamisa macaanka.
Waraabi maalin kasta ilaa abuurku ka soo baxo. Kadibna 2-3 maalmoodba mar.
Kani waa waqtiga ugu xasaasisan (Critical Stage).
Ha oomin: Haddii uu harraado, ubaxa ayaa daadanaya, mirahana way yaraanayaan.
Marka miruhu ay gaaraan cabirkooda buuxa (10 maalmood ka hor goosashada):

Waa cadowga koowaad. Waxay ukun ku dhex dhashaa qaraha yar, kadibna dirxi ayaa gala oo qudhmiya.
Xal: Isticmaal dabinka pheromone traps. Buufi Alpha-cypermethrin xilliga ubaxa ka hor.
Waxay dhuuqaan dheecaanka caleenta. Caleentu way duubmataa.
Xal: Imidacloprid ama Acetamiprid.
Caaro cas oo caleenta hoosteeda gasha. Caleentu waxay noqotaa huruud/bunni.
Xal: Abamectin.
Wuxuu cunaa caleenta. Caleentu waxay noqotaa shabag oo kale.
Xal: Lambda-cyhalothrin.

Calaamadaha: Boor cad oo fuula caleemaha iyo jirridda.
Xal: Isticmaal daawooyinka Sulphur-ta leh ama Difenoconazole.
Calaamadaha: Baro madow oo qoyan oo caleenta iyo miraha soo gala.
Xal: Mancozeb ama Azoxystrobin.
Calaamadaha: Qeybta hoose ee qaraha ayaa madow noqota oo qudhunta.
Sababta: Ma ahan cudur, waa Calcium Yari iyo waraab aan joogto ahayn.
Xal: Joogtee waraabka, kuna buufi Calcium Nitrate.

Qarahu ma bislaado haddii la gooyo isagoo ceyriin ah. Waa inaad hubisaa bislaanshaha.

Waxaan kuu rajeynaynaa wax-soo-saar barwaaqo ah!
Diyaariye: Elmi24acedamy