BARASHADA
YAANYADA

Hagaha Dhammaystiran ee Beeraleyda

From Seed to Harvest (Abuur ilaa Goyn)

Mowduucyada Buuggan:

  • ✅ Noocyada (OP vs Hybrid F1)
  • ✅ Pruning & Trellising (Gooyn)
  • ✅ Cayayaanka & Cudurada
  • ✅ Drip Irrigation (Waraabka dhibicda)
  • ✅ Jadwalka Nafaqaynta

1. Hordhac & Muhiimada

Yaanyadu ama Xabuubtu (Tomato) waa boqoradda khudaarta. Waa dalagga ugu muhiimsan dhaqaalaha beeraleyda Soomaaliya, waxaana la isticmaalaa maalin walba.

🌍 Muhiimada Dhaqaale

Yaanyadu waxay leedahay suuq joogto ah. Inkastoo qiimaheedu is bed-beddelo, haddana waa dalagga lacagta ugu badan soo xareeya (Cash Crop) haddii si casri ah loo maamulo.

🥗 Nafaqada

Waxay qani ku tahay Lycopene (Antioxidant), Vitamin C, Potassium, iyo Vitamin K. Waxay u fiican tahay wadnaha iyo maqaarka.

💧 Fursadaha Beerashada

Tiknoolajiyada casriga ah sida Drip Irrigation iyo Greenhouses ayaa suurtogeliyey in sanadka oo dhan la beero.

💡 Xaqiiqo: Yaanyadu cilmi ahaan waa Miro (Fruit), laakiin ganacsi ahaan iyo cunto karis ahaan waxaa loo yaqaan Khudaar (Vegetable).

2. Marxaladaha Koriinka

Si aad u noqoto beeraley guuleysta, waa inaad fahantaa marxaladaha Koriinka yaanyada.

1. Marxaladda Biqilka (0-10 Maalmood)

Abuurka wuxuu u baahan yahay diirimaad iyo qoyaan si uu u dillaaco. Xilligan geedku wuxuu ku jiraa xanaanada (Nursery).

2. Marxaladda Korriinka (Vegetative Stage)

Waa 3-da toddobaad ee ugu horreeya beerista kadib. Geedku wuxuu sameynayaa xidido adag, jirrid, iyo caleemo badan.

3. Ubaxa & Miro-dhalka (Flowering & Fruit Set)

Geedku wuxuu bilaabayaa ubax. Ubaxu wuxuu isu beddelayaa miro yar. Marxaladdan waa mid xasaasi ah.

4. Bislaanshaha (Ripening)

Miraha waxay ka beddelanayaan cagaar una guurayaan casaan. Tani waxay qaadataa 60 ilaa 90 maalmood iyadoo ku xiran nooca.

3. OP vs Hybrid F1

Fahamka farqiga u dhexeeya labadan nooc ee abuurka ayaa go'aaminaya faa'iidadaada.

OPV (Open Pollinated Variety) Hybrid F1 (La Bacrimiyey)
Qiimaha Abuurka: Wuu jaban yahay. Qiimaha Abuurka: Aad buu qaali u yahay.
Dib-u-beeris: Abuurka waad kaydsan kartaa oo dib u beeran kartaa. Dib-u-beeris: Laguma talinayo. Jiilka labaad (F2) tayo ma laha.
Cudurada: Badanaa uma adkaystaan cudurada. Cudurada: Waxay leeyihiin adkaysi (Disease Resistance) sare.
Wax-soo-saarka: Dhexdhexaad. Wax-soo-saarka: Aad u sarreeya (High Yield).
Tusaale: Rio Grande, Money Maker. Tusaale: Shanty F1, Tylka F1, Anna F1.
📢 Talo: Ganacsi ahaan, markasta isticmaal Hybrid F1 sababtoo ah waxay u adkaystaan cudurada TYLCV (Caleen duubka) iyo Wilt, wax-soo-saarkooduna waa laba-jibbaar.

4. Qaabka Koriinka (Habit)

Yaanyada waxaa loo kala saaraa laba nooc oo ku xiran dhererkooda.

Determinate (DHeer)

Waa yaanyada gaaban (Bush type).

  • Dhererkeedu wuxuu istaagaa 1 Mitir.
  • Mar qura ayey wada ubaxdaa, mirona keentaa.
  • Uma baahna tiirin badan (Staking).
  • Ku habboon: Beeraha bannaanka (Open field).
  • Tusaale: Shanty F1, Cal J.

Indeterminate (Dheer)

Waa yaanyada kor u baxda (Climbing type).

  • Way sii baxaysaa oo ubaxayneysaa.
  • Waxay gaartaa 3 Mitir ama ka badan.
  • Waa Qasab in la tiiriyo (Trellising).
  • Ku habboon: Greenhouse.
  • Tusaale: Tylka F1, Anna F1.
⚠️ Ogow: Haddii aad beerayso nooca Indeterminate (Dheer) bannaanka, waa inaad diyaarisaa qoryo iyo xarig aad ku xirto, haddii kale dhulka ayey ku qudhmaysaa.

5. Cimilada & Carrada

Yaanyadu waxay u baahan tahay deegaan sax ah si ay u bixiso wax-soo-saar fiican.

☀️ Cimilada (Climate)

  • Heerkulka: 20°C - 30°C maalintii, iyo 15°C - 20°C habeenkii.
  • Ubaxa: Haddii heerkulku ka bato 35°C ama ka hooseeyo 10°C, ubaxa wuu daataa (Flower abortion).
  • Iftiinka: Waxay u baahan tahay qorrax buuxda (6-8 saacadood).

⛰️ Carrada (Soil)

  • Carro fudud oo biyaha si fiican u saarta (Sandy Loam).
  • pH: 6.0 - 7.0 (Waxyar dhanaan ilaa dhexdhexaad).
  • Dhoobada culus ee biyaha celisa waxay keentaa cudurka Bacterial Wilt.
Haddii carradaadu ay tahay Dhoobo (Clay), ku qas digo badan si ay u furfuranto, oo samee caro-tuur (Raised beds) dhaadheer.

6. Diyaarinta Dhulka

Diyaarinta wanaagsan waxay xaqiijisaa xidid caafimaad qaba.

Tallaabooyinka:

  1. Falidda Hore: Dhulka cagaf ku fal (30cm qoto dheer) si loo burburiyo dhadhaabta.
  2. Nadiifinta: Ka saar haramaha iyo dhagxaanta.
  3. Bacriminta Aasaasiga ah: Ku dar digada xoolaha oo qudhuntay (20 Ton/Hektar) iyo DAP.
  4. Kaalshiyam: Haddii carradu dhanaan tahay, ku dar Lime (Nuurad).
  5. Samaynta Bed-ka (Raised Beds): Tani waa tallaabada ugu muhiimsan.
Caro-tuur (Bed)
Balaca: 1 Mitir | Dhererka: Sidaad doonto
⚠️ Digniin: Ha ku beerin yaanyo meel horey loogu beeray Baradho, Basbaas, ama Baadijaan (Solanaceae family) si looga fogaado cudurada ciidda ku jira. Samee Crop Rotation.

7. Nidaamka Drip Irrigation

Drip-ku waa habka ugu fiican ee yaanyada. Biyuhu caleenta ma taabanayaan, taasoo yaraynaysa cudurada fangaska.

Naqshadda Tubooyinka (Layout)

  • Balaca Bed-ka: 1 Mitir.
  • Jidka lugta (Path): 50cm.
  • Tirada Laynka: 2 Layn (Double Row) halkii Bed.
  • Fogaanta Emitters-ka: 30cm ama 40cm.
Laynka 1aad
Laynka 2aad
Isticmaal tuubada dhumucdeedu tahay 16mm oo leh godad (Emitters) isu jira 30cm. Tani waxay ku habboon tahay fogaanta yaanyada.

8. Maamulka Xanaanada

Yaanyada lama ogola in toos loo beero (Direct seeding). Waa in lasoo mariyaa xanaano (Nursery) muddo 4 todobaad ah.

Saxanka (Seedling Trays)

Kani waa habka casriga ah.

  • Isticmaal Coco-peat (Qolofta Qumbaha).
  • Hal mir halkii god.
  • Xididku ma dhaawacmo marka la wareejinayo.
  • Geeduhu way siman yihiin.

Dhulka (Ground Nursery)

Haddii aadan haysan saxan.

  • Samee xarriiqo yaryar.
  • Abuurka si khafiif ah u daadi.
  • Ku dabool caws si qorraxda looga celiyo.
  • Waa in ciiddu nadiif tahay (Sterilized soil).
Ka ilaali xanaanada cayayaanka Whitefly iyo Thrips adigoo isticmaalaya shabag (Insect net) ama daawooyin khafiif ah.

9. Beeridda (Transplanting)

Geedka waxaa la wareejiyaa marka uu yeesho 4 ilaa 6 caleemood (qiyaastii 25 maalmood).

📏 Fogaanta (Spacing)

Nooca Geedaha Dhexdooda Safafka Dhexdooda
Determinate (Gaaban) 40 cm 60 cm
Indeterminate (Dheer) 50 cm 60 cm

Tallaabooyinka Muhiimka ah:

10. Pruning (goyn)

Manjo-jarida ama goynta waa in laga jaro laamaha aan loo baahnayn si geedku awoodda u saaro miraha.

✂️ Suckers (Laamaha Hurgumada)

Waa laamo kasoo baxa kilkilada caleenta iyo jirridda dhexe. Waa in la gooyaa inta ay yaryar yihiin.

Faa'iidada: Waxay kordhisaa xajmiga miraha iyo hawada dhex socota beerta.

🌿 Caleemaha Hoose

Marka geedku weynaado, iska jar caleemaha hoose ee dhulka taabanaya ama duugoobay.

Faa'iidada: Waxay yaraysaa cudurada fangaska (Blight).

Ogow: Nooca Gaaban (Determinate) uma baahna Jarid badan, kaliya ka ilaali caleemaha hoose dhulka. Nooca Dheer (Indeterminate) wuxuu u baahan yahay Jarid joogto ah (Toddobaadkii hal mar).

11. Jadwalka Waraabka

Yaanyadu 90% waa biyo. Biyo yari ama biyo aan joogto ahayn waa masiibo.

💧 Joogteynta (Consistency)

Haddii aad maanta waraabiso, berri ka daysid (dhulku qalalo), kadibna biyo badan ku shubto, yaanyadu way dillaacaysaa (Cracking) ama waxay yeelanaysaa Blossom End Rot.

Marxaladda Qiyaasta & Joogteynta
Bilowga (1-2 Todobaad) Maalin kasta (Biyo yar) si xididku u qabsado.
Koriinka 2-3 maalmoodba mar (Biyo dhexdhexaad ah).
Miraha (Fruiting) Joogto ah. Ha u ogolaan in carradu qalasho. Waraabi subaxdii.
Waligaa ha waraabin galabtii dambe ama habeenkii haddii aad isticmaalayso rusheyn (Sprinkler), sababtoo ah qoyaanka caleenta wuxuu keenaa cudurro. Drip waa badbaado.

12. Nafaqaynta: Bilowga

Yaanyadu waa "Heavy Feeder" (Cunto badan). Waxaan u qaybinaynaa 3 marxaladood.

Marxaladda 1: Xididaysiga (Establishment)

(Toddobaadka 1aad - 2aad)

🧪 Nafaqada Muhiimka ah: Phosphorus

Hadafka marxaladdan waa in xididku dhulka qabsado.

  • Bacriminta: DAP (Diammonium Phosphate) ama MAP.
  • Qiyaasta: 5-10 garaam halkii geed (Haddii gacanta lagu ridayo godka beerista).
  • Habka: Ku qas ciidda, ha taabsiin xididka toos.
Waxaad kaloo isticmaali kartaa "Root Stimulator" (Hormoonka xididka) marka aad beerayso si geedku uusan u stress-oon.

13. Nafaqaynta: Koriinka

Marxaladda 2: Caleenta (Vegetative Stage)

(Toddobaadka 3aad - 5aad)

🧪 Nafaqada Muhiimka ah: Nitrogen

Hadafka marxaladdan waa in geedku yeesho laamo adag iyo caleemo badan oo cagaar ah.

  • Bacriminta: CAN ama Urea + NPK (17:17:17).
  • Qiyaasta: 10 garaam halkii geed.
  • Foliar (Caleenta): Ku buufi "Vegetative Booster" oo leh Micro-nutrients toddobaad kasta.
Ha badin Nitrogen-ka (Urea) xilligan, haddii kale geedku wuxuu noqonayaa mid jilicsan oo aan ubax keenin, cuduraduna ay ku dhacaan.

14. Nafaqaynta: Ubaxa & Miraha

Marxaladda 3: Ubaxa & Miro-dhalka

(Toddobaadka 6aad ilaa dhamaadka)

🧪 Nafaqada Muhiimka ah: Potassium & Calcium

Hadafka waa miro tayo leh, adag, oo midab fiican.

  • Bacriminta: NPK (oo Potassium badan leh sida Winner) ama Potassium Nitrate.
  • Calcium: Aad muhiim u ah! Ku buufi Calcium Nitrate caleenta (Foliar) ama isticmaal CAN. La'aanta Calcium waxay keentaa "Blossom End Rot" (Daba-qudhun).
  • Boron: Waxay caawisaa bacriminta ubaxa (Pollination) si uusan u daadan.
Potassium: Waxay kordhisaa macaanka iyo miisaanka miraha.
Calcium: Waxay adkaysaa qolofta miraha.

15. Tuta Absoluta

⚠️ Tuta Absoluta (Magefe) waa cadowga koowaad ee Yaanyada Soomaaliya.

Aqoonsiga

  • Caleemaha: Waxay ku samaysaa khadad cad-cad oo aan caadi ahayn (Leaf mines).
  • Miraha: Waxay daloolisaa miraha, kadibna way qudhmaan.
  • Geedka: Waxay u dishaa geedka sida in dab la qabadsiiyey.

Xakamaynta

  • Dabinada (Pheromone Traps): Isticmaal si aad u disho kuwa duulaya (Balambalka).
  • Sumaha: Coragen, Belt, ama Radiant (Spinetoram). Waa in la bed-bedelaa sumaha si aysan u laqabsan.
  • Nadaafadda: Gub geedaha ay dishay.

16. Cayayaanka Kale

🦟 Whitefly (Duqsiga Cad)

Waa cayayaan yar oo cad, caleenta hoosteeda gala.

Khatarta: Wuxuu gudbiyaa fayraska halista ah ee TYLCV (Caleen-duubka).

Xal: Acetamiprid, Imidacloprid.

🕷️ Red Spider Mites (Caaro)

Caaro cas oo aad u yar. Caleentu way huruudaysaa oo qallalaysaa.

Xal: Abamectin.

🦗 Thrips

Waxay dhuuqaan dheecaanka ubaxa, taasoo keenta in ubaxu daato.

Xal: Spinetoram, Match.

🐛 African Bollworm

Dirxi cuna miraha yaanyada, daloolo waaweyn ayuu u sameeyaa.

Xal: Lambda-cyhalothrin.

17. Cudurada Fangaska (Blights)

Late Blight

Waa cudurka ugu xun xilliga qabowga iyo roobka.

  • Calaamadaha: Baro madow oo qoyan oo caleenta fuula. Geedka oo dhan wuu gubtaa.
  • Xal: Mancozeb (Ka hortag), Ridomil Gold / Metalaxyl (Daaweyn).

Early Blight (Blight-ka Hore)

  • Calaamadaha: Baro wareegsan (Target spots) oo caleemaha hoose kasoo baxa.
  • Xal: Difenoconazole ama Ortiva (Azoxystrobin).

Powdery Mildew

Boor cad oo fuula caleenta dushiisa.

Xal: Sulphur.

18. Bakteeriyada & Fayraska

Cuduradan daawo ma leh, kaliya ka hortag.

⚠️ Bacterial Wilt (Bakteeriyada)

Calaamadaha: Geedka oo dhan ayaa duma (wilt) isagoo cagaaran, gaar ahaan maalin kulul. Haddii aad jirridda jarto oo biyo geliso, dheecaan cad ayaa ka soo baxaya.

Xal: Daawo ma leh. Rujin geedka. Ha ku beerin yaanyo meeshaas muddo 3 sano ah.

⚠️ Viral Diseases (Fayras)

Sida Tomato Yellow Leaf Curl Virus (TYLCV).

  • Calaamadaha: Caleemaha oo yaraada, duubma, qallafsan oo huruud noqda.
  • Xal: Daawo ma leh. Dila cayayaanka (Whitefly) ee cudurka faafiya. Isticmaal abuur adkaysi leh (Hybrid).

19. Goosashada & Gebagebo

Heerarka Bislaanshaha

  • Mature Green: Cagaar buuxa (Suuq fog).
  • Breaker: Waxyar guduudatay (Suuq dhexe).
  • Red Ripe: Guduud buuxa (Suuq dhow).

Habka Goynta

  • Gooso aroortii hore ama galabtii.
  • Reeb jirridda yar (Calyx) si ay u raagto.
  • Si tartiib ah u dhig sanduuqa.

🔑 5-ta Fure ee Guusha

  1. Dooro abuur tayo leh (F1 Hybrid).
  2. Diyaari dhulka si fiican (Caro-tuur).
  3. Isticmaal Drip Irrigation & Bacriminta saxda ah.
  4. La soco Tuta Absoluta maalin walba.
  5. Samee Pruning (jarida) sax ah.

www.elmi24.com