BACTERIAL DISEASES
Cudurrada Bakteeriyada ee Dhirta
🔍 Maxay yihiin Cudurrada Bakteeriyada?
Bakteeriyadu waa noole unug keliya leh oo geedka ka gala dhaawacyada yaryar ama daloolada dabiiciga ah. Waxay soo saaraan sun (toxins) ama enzymes baabi'iya unugyada geedka, taasoo keenta qudhun, engeg, ama dhibco caleenta ah.
1. Saddexda Nooc ee ugu Caansan
Calaamadaha bakteeriyadu waxay u qaybsamaan dhowr qaab:
- **Bacterial Wilt (Engeg):** Bakteeriyadu waxay xirtaa tubooyinka biyaha (Xylem) Geedku wuxuu engegaa isagoo cagaar ah muddo aad u yar.
- **Bacterial Leaf Spot (Dhibcaha):** Dhibco biyo-daadsan (water-soaked) oo badanaa leh geeso xagal leh (angular), kuwaas oo ku hareeraysanyahay midab jaalle ah.
- **Soft Rot (Xidid Qudhun):** Midhaha ama xididdada oo noqda kuwo jilicsan, qudhun ah, oo ur xun leh (sida Baradhada iyo Basasha).
🔬 **Tijaabada Ooze:** Haddii aad jiridda geedka "Bacterial Wilt" qaba gooyso oo aad koob biyo ah geliso, waxaad arki doontaa dareere cad oo u eg caanaha oo ka soo baxaya jirida(Bacterial Oozing).
2. Sidee u faafaan?
Bakteeriyadu waxay u baahan tahay qoyaan si ay u faafto:
- **Biyaha:** Roobka iyo waraabka dusha (overhead irrigation) oo bakteeriyada geed ka geed u tuura.
- **Qalabka:** baaqbaaqatada ama maqaska lagu gooyo geedaha oo aan la jeermis-dilin.
- **Cayayaanka:** Qaar ka mid ah cayayaanka dhuuqa dheecaanka oo bakteeriyada xambaara.
- **Abuurka:** Bakteeriyada oo ku dhex jirta abuurka aad soo gadatay.
3. Ka Hortagga iyo Xakamaynta
⚠️ MUHIIM: Marka bakteeriyadu gasho gudaha geedka, ma jiraan daawooyin "systemic" ah oo badbaadin kara. Xalku waa ka hortag.
- **Copper Fungicides:** Buufinta maadada Copper-ka waxay dili kartaa bakteeriyada dusha geedka saaran ka hor intaysan gudaha u galin.
- **Sanitation:** Nadiifi gacmaha iyo qalabka adoo isticmaalaya *Bleach* ama *Alcohol*.
- **Crop Rotation:** Ha ku celcelin isku dalag meel bakteeriyo lagu arkay ugu yaraan 3 sano.
- **Resistant Varieties:** Dooro iniinyo loo habeeyay inay bakteeriyada iska caabiyaan.
DHAMAAD
Diyaariye: Elmi24academy