CASSAVA MOSAIC
CMD: Virus-ka Moxoga
🔍 Waa maxay CMD?
Cassava Mosaic Disease (CMD) waa cudur fayras ah oo ay keento bahda *Geminiviridae*. Wuxuu saameeyaa soosaarka chlorophyll-ka ee caleemaha, taas oo keenta in xididdada (tubers) aysan weynaan, taasoo horseedda khasaare gaaraya ilaa 90%.
1. Calaamadaha lagu garto
Calaamaduhu waxay ku kala duwan yihiin xoogga fayraska iyo nooca Moxoga:
- **Chlorosis:** Nabaro jaalle ama cagaar khafiif ah oo ku faafa dusha are ee caleenta (Mosaic pattern).
- **Leaf Distortion:** Caleemaha oo noqda kuwo qalloocan,jactada, ama u laabma sidii inay gubteen oo kale.
- **Stunting:** Geedka oo koriinka joojiya, noqdana mid gaaban oo leh laamo yaryar.
- **Tuber Yield:** Xididdada (tubers) oo noqda kuwo aad u yaryar ama aan samaysminba.
2. Sidee u faafaa? (Spread)
CMD wuxuu leeyahay laba waddo oo uu ku faafo:
- **The Whitefly (Bemisia tabaci):** Cayayaanka cad ee Whitefly-ga ayaa fayraska ka qaada geed jirran kuna dura mid caafimaad qaba isagoo dhuuqaya dheecaanka geedka.
- **Cuttings (Goynta):** Haddii aad beerto laamo (cuttings) laga soo gooyay geed fayras qaba, geedka cusubna wuxuu noqon doonaa mid jirran. Kani waa habka ugu weyn ee cudurku beerta dhexdeeda ugu faafo.
3. Xakamaynta iyo Ciribtirka
⚠️ MUHIIM: Marka geedku qaado CMD, ma jirto wax daawo ah oo lagu buufin karo.
Tallaabooyinka lagu badbaadin karo dalagga:
- **Resistant Varieties:** Habka ugu waxtarka badan waa in la beero noocyada moxoga ee loo habeeyay inay u adkaystaan CMD (tusaale: noocyada IITA).
- **Sanitation (Nadiifinta):** Had iyo jeer isticmaal laamo caafimaad qaba (Clean cuttings).
- **Rogueing (Rujin):** Kormeer beerta toddobaadyada ugu horreeya. Haddii aad aragto geed leh mosaic, ruji oo gub isla markiiba.
- **Whitefly Control:** Xakamee cayayaanka cad-cad adoo isticmaalaya hababka dabiiciga ah ama kiimikada haddii loo baahdo.
DHAMAAD
Diyaariye: Elmi24academy