FUSARIUM WILT

Cudurka Xididdada xira

🔍 Waa maxay Fusarium Wilt?

Fusarium Wilt waa cudur fangas ah oo ka dhasha carada (*Fusarium oxysporum*). Wuxuu soo galaa xididdada, isagoo xira tubooyinka biyaha iyo nafaqada u qaada geedka (Xylem). Tani waxay keentaa in geedku engego isagoo qoyan (wilt).

1. Calaamadaha lagu Garto

Cudurkani wuxuu leeyahay calaamado gaar ah oo looga sooci karo cudurada kale ee {wilt}:

2. Sidee u faafaa?

⚠️ Fusarium wuxuu carada ku dhex noolaan karaa ilaa 10 sano ama ka badan, xitaa haddii aadan waxba ku beerin!

Wuxuu ku faafaa: * Qalabka beeraha ee wasakheysan. * Biyaha waraabka oo carada wasakheysan soo ka xeeya. * Iniinyaha (seeds) cudurka xambaarsan oo aad beerato.

3. Maareynta iyo Ka Hortagga

Maadaama uusan lahayn daawo kiimiko ah oo 100% waxtar leh marka uu geedka galo, xoogga saar ka hortagga:

**siidh Adkeysi leh (Resistant Varieties):** Markaad gadanayso siidhka, raadi kuwa ay ku qoran tahay xarafka **"F"** (tusaale: VFN) oo waxay ka dhigan tahay in geedku u adkeysan karo Fusarium.
  1. **Grafting:** In lagu tallaalo geedka aad rabto jirid adag oo Fusarium u adkeysata.
  2. **Solarization:** In carada lagu daboolo Bac madow xilliga kuleylaha si kuleylka qorraxdu u disho fangaska dhulka ku jira.
  3. **pH-ka Carada:** Fusarium wuxuu jecelyahay carada aashitada leh (Acidic). Kor u qaad pH-ka ilaa 6.5 - 7.0 adigoo isticmaalaya nuurad (Lime).

GUNAANAD

Fusarium Wilt waa "cudurka carada dila" Haddii geedkaaga uu haleelo, ma jirto sun aad ku buufin karto oo badbaadinaysa. Jidka kaliya ee guushu waa inaad doorato siidh tayo leh, inaad nadiifiso qalabka beerta, iyo inaad carada u daaweyso si dabiici ah, Ha iloobin inaad rujiso oo aad gubto geedka kasta oo aad ku aragto calaamadahan.

DHAMAAD

Diyaariye: Elmi24academy