NEMATODES
Gooryaanka Xididdada Cuna
🔍 Maxay yihiin Nematodes?
Nematodes waa gooryaan aad u yaryar (microscopic) oo ku nool ciida. Inkastoo qaarkood waxtar leeyihiin,laakiin kuwa dhibka keena (Plant-parasitic nematodes) waxay mudaan xididdada geedka, iyagoo Nuuga nafaqada iyo biyaha.
1. Aqoonsiga Calaamadaha
Maadaama ay dhulka hoostiisa joogaan, calaamaduhu waxay u eg yihiin biyo la'aan ama nafaqo darro Geedka ka muuqata:
- **Root Galls (Barar):** Calaamadda ugu weyn ee *Root-knot Nematodes* waa xididdada oo yeesha buurbuur ama barar (knots).
- **Stunting:** Geedka oo koriinka joojiya oo u muuqda mid daciif ah.
- **Wilting:** Geedka oo engega xilliga kulaylka xataa haddii la waraabiyo, waayo xididdada bukuhu ma qaadi karaan biyo ku filan.
- **Yellowing:** Caleemaha oo jaalle noqda nafaqo darrada darteed.
2. Sidee u faafaan?
Nematodes-ku aad uma dheereeyaan kaligood, laakiin waxay ku safraan:
- **Biyaha:** Biyaha waraabka ama roobka oo carada wasakheysan meel kale u qaada.
- **Carada:** Carada ku dhegta kabaha, gawaarida, ama qalabka beeraha.
- **Geedo-tallaalka:** Isticmaalka geedo horey u bukay oo xididdadooda ay nematodes ku jiraan.
⚠️ Nematodes-ku waxay carada ku dhex noolaan karaan sanado badan iyagoo sugaya geed ay cunaan.
3. Xakamaynta iyo Maareynta
Xakamaynta Nematodes-ka waxay u baahan tahay dulqaad iyo dhowr farsamo oo la isku daro:
- **Crop Rotation:** Ha ku beerin dalagga ay jecelyihiin (sida Tamaandhada) hal meel. Ku beddel dalagyo aysan jecleyn sida **Galleyda** ama **Basasha**.
- **Solarization:** Ku dabool carada caag cad (clear plastic) xilliga kulaylka ugu daran muddo 4-6 toddobaad ah si kuleylku u dilo gooryaanka.
- **French Marigolds:** Beero ubaxa loo yaqaan *Marigold* (Maryan-guul) hareeraha ama dhexda beerta; xididdadoodu waxay soo saaraan maaddo disha nematodes-ka.
- **Organic Matter:** Ku dar carada digada xoolaha iyo compost, waxay dhiirigelisaa fangasyada dabiiciga ah ee nematodes-ka cuna.
DHAMAAD
Diyaariye: Elmi24academy