
Aphids waa cayayaan yaryar oo jidh jilicsan kuwaas oo quuta dheecaanka dhirta. Waxay leeyihiin midabo kala duwan (cagaar, madow, jaalle, ama casaan). Waxay ku caan yihiin inay u dhashaan si weyn oo degdeg ah (cloning) iyadoo aan loo baahnayn is-galmo xilliyada qaarkood.
Sida loo aqoonsado Aphids iyo xubnaha gaarka ah ee ay leeyihiin:

Aphids waxay soo saaraan dareere macaan oo loo yaqaan "Honeydew".

Quraanjadu waxay Aphids u daryeeshaa sidii xoolo oo kale. Waxay ka difaacdaa ugaadhsatada (sida ladybugs), waxayna u beddeshaa caleemaha cusub si ay dheecaan badan uga helaan. Haddii aad aragto quraanjo badan oo geedka kor u fuulaysa, ogow inuu jiro Aphids!

Aphids waxay leeyihiin cadow badan oo dabiici ah oo beerta ka caawiya.

Maadaama ay yihiin kuwo jilicsan, buufin biyo xooggan ah (water pressure) ayaa markii hore lagu soo ridi karaa. Haddii kale, isticmaal:
| Maaddada | Nooca | Qiyaasta (20L Biyo) |
|---|---|---|
| Imidacloprid | Systemic | 10ml - 15ml |
| Thiamethoxam | Systemic | 8g - 10g |
| Neem Oil | Organic | 40ml - 50ml |
Aphids waa cayayaan yar laakiin awood u leh inay burburiyaan dalagga haddii aan laga warhayn. Kormeerka joogtada ah ee caleenta hoosteeda iyo ilaalinta saaxiibada beerta waa habka ugu wanaagsan.
Diyaariye: Elmi24academy