HAGAHA CHLORPYRIFOS 48% EC

Sunta Organophosphate-ka ee u shaqaysa "Neerfaha"

🧪 Waa maxay Chlorpyrifos?

Chlorpyrifos waa sun ka tirsan kooxda Organophosphates. Waxay u shaqaysaa habka xiriirka tooska ah (Contact), caloosha (Stomach), iyo uumi (Vapour/Fumigant action). Waxay caan ku tahay inay disho cayayaanka dhulka hoostiisa deggan iyo kuwa ay adagtahay in sumaha kale ay dili waayaan.

1. Saddexda Hab ee ay u Shaqayso

Maadaama aysan ahayn systemic, waxay u baahan tahay inay cayayaanka taabato ama uu neefsado.

Awoodda Uumiga (Vapor action) waxay u oggolaanaysaa inay disho cayayaanka ku dhex dhuumanaya jirridda geedka ama godadka yar-yar ee uumiga suntu uu gaari karo.

Nidaamka Acetylcholinesterase: {əˌsēdlkōlēnˈestəˌrāz}

Waxay joojisaa enzyme-ka Acetylcholinesterase, taasoo keenta in nidaamka dareenka ee cayayaanka uu istaago gebi ahaanba (Overstimulation), ka dibna si deg-deg ah u dhinto.

2. Cayayaanka lagu Dilayo

Chlorpyrifos waa sun "Broad-spectrum" ah, taasoo macnaheedu yahay inay disho noocyo badan oo cayayaan ah.

Cayayaanka Meesha lagu Buufiyo
Stem Borers (Cayayaanka Jirriddaha geedka gala) Jirridda iyo laamaha geedka
Termites (Abor) Dhulka iyo agagaarka xididka
Cutworms (jirida jara) Salka geedka (Soil surface)
Locusts (Ayax) Meelaha uu ku soo dego

3. Qiyaasta iyo Isku-qasidda

⚠️ DIGNIIN: Chlorpyrifos waa sun ur badan oo aad u xooggan. Marna ha ku isticmaalin guriga guduhiisa.

Qiyaasta loo baahan yahay:

4. PHI (Xilliga Sugitaanka)

Chlorpyrifos waxay ku jirtaa dusha geedka muddo dheer, markaas waa in si taxadar leh loo sugo PHI-ga.

Dalagga PHI (Maalmo)
Maize (Galley) 21 Maalmood
Miraha (Liin, Cambe) 14 ilaa 21 Maalmood
Khudaarta caleenta ah Aad looguma taliyo
Baradhada 7 Maalmood (haddii dhulka lagu daro)
Ha ku buufin khudaarta maalin kasta la goosto (sida Tamaandhada ama Basbaaska) maadaama urta iyo suntu ay ku raagayso.

5. Khatar Caafimaadka

Kooxda Organophosphates waxay saameyn weyn ku yeeshaan maskaxda iyo dareenka aadanaha haddii aan laga taxadarin.

Calaamadaha lagu garro Sumowga:

Daawada lidka u ah (Antidote) waa Atropine. Haddii la isku arko calaamadahan, deg-deg u tag dhakhtar.

6. Badbaadada Shinnida iyo Kalluunka

Chlorpyrifos waa sun "Aad u daran" oo disha shinnida iyo kaluunka.

Xeerarka Deegaanka:

  1. Marna ha ku daadin sunta ama weelkeeda harooyinka, ceelasha, ama wabiyada.
  2. Ha ku dhaqin mashiinka buufinta meel u dhow ilaha biyaha.
  3. Ka fogee xoolaha meesha la buufiyay ugu yaraan 48 saacadood.

7. Ammaanka Qofka Buufinaya (PPE)

Sababtoo ah urta iyo uumiga suntani ay leedahay, sidaa darteed qalabka badbaadadu waa lagama maarmaan.

Qalabka loo baahan yahay:

Talo: Iska dhaq meesha sunta kaa taabato 15 daqiiqo gudahood adoo isticmaalaya saabuun iyo biyo badan.

8. Sumaha Kale ee lagu dari karo

Chlorpyrifos waxaa badanaa lala qasaa sun kale si looga dhigo mid isku mar wax badan disha.

Chlorpyrifos + Cypermethrin:

Tani waa isku-darka ugu caansan (tusaale: Nurelle D). Waxay isku mar dishaa cayayaanka geedka dushiisa jooga iyo kuwa gudaha ku jira.

Chlorpyrifos + Dimethoate:

Aad u xooggan laakiin aad u sun badan; waxaa loo isticmaalaa geedaha waaweyn.

9. Gunaanad iyo Kaydinta

Kaydinta Saxda ah:

Ku kaydi weelka asalka ah ee leh calaamadda "Sunta" (Skull and Crossbones). Meeshu waa inay ahaataa mid leh hawo fiican kana fog iftiinka qorraxda tooska ah. Carruurta marna yeysan gacantoodu gaadhin.

DHAMAAD

Badbaadada qofka ayaa ka horreysa badbaadada geedka.

Diyaariye: Elmi24acedamy