
Dimethoate waa sun xooggan oo leh sifo **Systemic** iyo **Contact** ah. Waxay u dhex gashaa dheecaanka geedka, taasoo ka dhigta mid disha cayayaanka dhuuqa iyo kuwa ku dhex dhuunta caleenta ama miraha dhexdooda.
Dimethoate waxay leedahay awood ay ku dhex gasho dhammaan unugyada geedka.

Sababtoo ah waxay ku jirtaa gudaha geedka, roobku si fudud ugama dhaqi karo, waxayna difaac siisaa geedka muddo 10 ilaa 14 maalmood ah.
Dimethoate waxay aad ugu fiican tahay cayayaanka yar-yar ee dhibaatada badan.
| Cayayaanka | Faa'iidada Dimethoate |
|---|---|
| Fruit Fly (Daqsiga Midhaha) | Waxay dishaa dirxiga miraha dhexdiisa ku jira |
| Aphids (injir) | Waxay xakameysaa dhammaan injirta |
| Thrips & Mealybugs | Waxay gaartaa meelaha ay ku dhuuntaan |
| Leaf Miners | Waxay dishaa dirxiga caleenta dhexmara |


| Dalagga | PHI (Maalmo) |
|---|---|
| Miraha (Cambe, Liin) | 21 ilaa 28 Maalmood |
| Baradhada & Galleyda | 14 Maalmood |
| Khudaarta caleenta ah | Aad looguma taliyo (Uurteeda daran darteed) |

Marna ha buufin xilliga ubaxa. Haddii aad buufinysid, buufi gelinka dambe marka shinnidu ay shaqada joojiso. Ha u dhowaan meelaha biyaha lagu kaydiyoa.


Waxaa lala qasi karaa sunta Fangaska (Fungicides) si looga daaweeyo dhowr cudur hal mar, laakiin iska ilaali inaad ku darto sun kale oo leh ur aad u xooggan.
Maadaama ay tahay Organophosphate, cayayaanku si dhakhso ah ayuu u baran karaa. Ha isticmaalin wax ka badan 2 jeer hal xilli. Beddel oo isticmaal sunta kooxda Neonicotinoids (sida Acetamiprid) ama Pyrethroids.

Ku kaydi meel hawo fiican leh (sababtoo urta). Ka fogee guryaha iyo xeryaha xoolaha. Hubi in weelkeedu si fiican u xiran yahay carruurtuna aysan gaadhi karin.

Beero caafimaad qaba waa nolol barwaaqo ah.
Diyaariye: Elmi24acedamy