Thiamethoxam waa sun ka tirsan kooxda Neonicotinoids (sub-group: Thianicotinyl). Waxay kaga duwan tahay Imidacloprid inay biyaha aad ugu dhex milanto, taasoo ka dhigaysa mid si ka dhakhso badan geedku u nuugo ,waxayna ku dhex faaftaa caleemihiisa.
Suntaan waxaa loogu talagalay inay si degdeg ah u nuugto dhirtu (Rapid Absorption).
Thiamethoxam waxaa la ogaaday inay kordhiso koritaanka geedka (Plant Vigor), xitaa haddii uusan cayayaan jirin, waxayna ka caawisaa geedka inuu u adkeysto kuleylka iyo abaaraha.
| Cayayaanka | Saameynta Sunta |
|---|---|
| Whiteflies (Daqsiga Cad) | Waxay joojisaa faafinta fayraska (TYLCV) |
| Jassids & Hoppers | Waxay isla markiiba joojisaa dhuuqista |
| Wireworms & Grubs | Daaweynta dhulka hoostiisa (Soil drench) |
| Leaf Miners | Waxay dishaa dirxiga caleenta dhexdeeda jira |
Maadaama ay tahay sun aad u dhex gasha geedka, xilliga sugitaanku waa muhiim.
| Dalagga | PHI (Maalmo) |
|---|---|
| Tamaandhada | 3 ilaa 5 Maalmood |
| Basbaaska | 3 Maalmood |
| Baradhada | 14 Maalmood |
| Miraha (Cambe, Tufaax) | 21 Maalmood |
Thiamethoxam waxaa badanaa lala qasaa sunta "Contact" ah si loo hesho natiijo dhammaystiran.
Isku-darkan (tusaale: Alika ama Engeo) wuxuu isku mar dilayaa cayayaanka dhuuqa iyo kuwa qaniinya (chewing insects).
Aad ugu fiican in hal mar lagu wada daaweeyo cayayaanka iyo fangaska xilliga abuurka.
Ha isticmaalin Thiamethoxam wax ka badan laba jeer hal xilli. Beddel oo isticmaal sunta kooxaha kale sida Organophosphates ama Pyrethroids si looga hortago in cayayaanku u adkeysto sunta.
Ku kaydi meel qallalan oo qabow. Suntaan way xumaataa haddii ay qoyaan hesho ama qorrax toos ah. Hubi in carruurtu aysan gaari karin.
Daryeelka dhirta waa daryeelka nolosha.
Diyaariye: Elmi24acedamy